Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiye Jawaari oo ka degay Beydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  iyo Wafdi uu  Hoggaaminayo ayaa goordhow ka degtay garoonka diyaaradaha Magaalada Beydhaba halkaas oo ay uga qeyb galayaan Caleema Saarka Guddoomiyaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka  Koonfur Galbeed iyo kuxi-geenkiisa.

Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed iyadoo saacada soo socda la filayo inay dhacdo Xafladda lagu caleema saarayo guddoomiyaha cusub.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles