Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

R/wasaaraha oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay arrimaha Federalka

$
0
0

R/wasaaraha  dalka ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayey nooca Federaalka ugu habboon ee dalkeenu qaadanayo, maqaamka caasaimadda ay yeelanayso , qaybsiga qayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo awoodda maamul oo ay kala yeelanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka oo uu shirguddoominayay R/wasaraha dalka mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirka arrimaha dastuurka dalka, guddiyada Dastuurka ee Barlamanka iyo kan madaxa banan ee hirgalinta iyo dib u eegista dastuurka KMG ah.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaaystay aqoonyahanno loo xilsaaray in ay talo ka siiyaan dowladda Soomaaliya arrimaha federaalka iyo dastuurka dalka.

Wasiirka arrimaha dastuurka ee xulumadda federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay nooca federal ee dalku qaadanayo, isagoo tilmaamay in dhamaan qodobadda ka soo baxa laga talagalin doono dowlad gobolyeedda dalka.

Dastuurka dalka oo ah KMG  ayaa qodobada ugu mihiimsan ee la doonayo in la muujiyo waxa ka mid ah awooda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda arrimaha maamulka iyo sida loo qaybsanayo qayraadka dabiiciga ah.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles