Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Jaamacadaha SIU iyo St Cloud State University oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”

$
0
0

Jaamacada SIU ee saldhigeedo yahay caasimada Soomaaliya ee Muqdishu iyo Jaamacada St Cloud Univeristy ee kutaalla gobolka Minnesota ee dalka Maraykan ayaa waxay kal saxiixdeen heshiis balaaran oo taabanaya dhinacya badan.

Hesheeska ayaa waxaa uu ku saleysanyahay dhinacyo ay ka mid-yihiin horumarinta manhajyada Jaamacadeed, taba-barka macalimiinta iyo waliba in Jaamacada SIU laga dhex-furo koorsooyin lagu baranayo luuqadda Ingriiska oo macalimiin ka socda St cloud Univeristy ay bixin doonaan.

Guddoomiyaha Jaamacada SIU Mudane Maxamed Ismaaciil Dacwo oo safar shaqo ku maraya dalka Maraykanka, isla markaana ka hadlay heshiiska ayaa waxa uu sheegay in lagaaray xiligii waxbarashada Soomaaliya lagu xiri lahaa waxbarashda dunida horumartay

“ Waxaa sharf weyn ii ah in aan heshiiskan maanta ku matalayo Jaamacada SIU, maanta waxay calaamad u tahay in Jaamacadaha dalka ka jira ay xiriir waxbarasho oo mira-dhal ah la samaysan karaan Jaamacadaha dunida horumartay” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIU.

Jaamacada SIU ayaa xiriiro dhinica tacliinta sare horay ula gaartay Jaamacadaha ay ka mid yihiin Makarere, Kenyata, Umudurman, Gulu, Pioneer iyo kuwa kalaba, taasi oo suurta gelisay in ardayda ka socota Jaamacadda SIU ay waxbarasho ku soo qaataan Jaamadacaha kor ku xusan ee ay kal hore heshiiska la saxiixatay.

Horuudka Jaamacada SIU Mudane Maxamed Ismaaciil Dacwo oo maamulka Jaamacadda la wareegay dhamaadkii sanadkii la soo dhafay ayaa waxuu bilaabay in uu xiriiro dhinica kobcinta tacliinta sare ah la sameeyo Jaamacadaha Europe, Marykanka iyo Asia ku yaalla.

12443504_1180054852024358_1048184878_o 12557139_1180055945357582_252966009_o 12557086_1180055215357655_910032600_o 12557050_1180055402024303_805673081_o 12544058_1180056208690889_611731912_o 12528195_1180055502024293_1511774256_o 12510701_1180056442024199_1194612046_o 12499402_1180055602024283_1288370180_o 12443504_1180054852024358_1048184878_o

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles