Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay Weerarkii Ceel-Cadde

15 January 2016….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa  si adag u cambaareeyey weerarkii ay kooxaha Argagixisadu saaka aroornimadii  ku qaadeen saldhig ciidanka AMISOM ee Kenya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ku  leeyihiin deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Wasiirka oo Weerarka ka hadlaya ayaa yiri: “Weerarada naf la caariga ah ee kooxaha Argagaixisadu ka geysanayaan dalkeena, marna uma hakan doonaan in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM wada jira dalka  uga sifeeyaan cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kan gobolka.

“Cadowga Ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in tilaabooyinkan qalafsan aysan noqon doonin kuwa looga haro, Ciidankuna diyaar u yihiin ka difaacaan dalka iyo dadkaba kooxaha nabad-diidka ah”.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles