Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidamada Xoogga Dalka Ee Ka Howlgala Cadaado Oo La Siiyay Mushaaraadkooda “SAWIRRO”

$
0
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed eek a howlgala magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta loo qeybiyay mishaaraadka Ciidamada, iyadoo sida ay u qaadanayeen ciidamada mishaaraadkooda kormeeray saraakiisha ciidamda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee u xilsaaran bixinta mishaaraadka wakiilna ka ah hogaanka sare ee CXDS.

Askarta qaatay mishaaraadka ayaa tiradoodu eheyd 230 askari, iyadoo la marsiiyay nidaam sugan kana hufan wax isdaba marin, waxaana askartaasi ay sheegeen in mar walbo ay u taaganyihiin gudashada waajibaadka Qaran oo ay u dhaarteen.

Korneel C/llaahi Yuusuf Cabdulle oo ka tirsan hogaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegan in Amar ka soo baxay Taliska guud ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah in la saxo qaabka ciidamada ay u qaadanayaan mishaaraadka Ciidamada, waxaana uu tilmaamay in saraakiisha ugu sareysa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dadaalayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ciidamada.

Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaalo lagu tayeynayo Ciidamada, iyadoo lagu wado saacadaha soo socda in saraakiisha ka socota Taliska Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyana ay geeyaan xeryaha kale oo ay ku jiraan Qeybta 21-aad CXDS kuwaa oo ka howlgala gobolada Galguud iyo Mudug.

DSC03509 DSC03517 DSC03569 DSC03570 DSC03571 DSC03573 DSC03574 DSC03575


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles