Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Abwaan Guure oo lacag gaarsiiyay caruurtii ay dhaleen Liibaan Cali Nuur iyo Hindiyo Xaaji ”SAWIRRO”

$
0
0

Kaalmo lacageed oo ay iska soo uruurriyeen suxufiyiinn iyo waalidiin ku nool dalka Ingiriiska ayaa maanta la gaarsiiyay carruurtii ay dhaleen Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur iyo Hindiyo Xaaji Maxamed..

Lacagta loogu deeqay carruurta ayaa waxaa ay gaareysaa $3000 (Saddex Kun oo Doolar),waxaana inuu gaarsiiyo loo soo wakiishay Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah Agaasimaha Radio Kulmiye ahna Afhayeenka Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed.

Munaasabaddii kaalmada lacagta ah lagu guddoonsiinayay carruurtii ay ka baxeen Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur iyo Hindiyo Xaaji Maxamed, carruurta adeerkood iyo ayeeyadii dhashay Hindiyo Xaaji Maxamed.

Dadka is xilqamay ee lacagta soo aruuriyay ayaa waxaa ka mid ah suxufiyiinta kala ah Maxamed Cali {Daacad} oo ka tirsan Royal Tv, Waxaa kale oo Gacan ka geeystay soo Aruurinta lacagtaas Cabdullaahi Xasan Maxamed{Wiish} oo ka tirsan SNTV, Maryan Seylac, Xanaan Shidane oo ka tirsan SNTV, Sidoo kale Maxamed Aadan Xirsi {Teera} Wariye Duraan Shirwac, Canab Maxamed Yare iyo  Qaar ka mid ah Waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Ingiriiska.

Waxaa kale oo ka mid ahaa  Maamulka Maqaayada Safaari oo ku taalla Magaalada London.

Agaasimaha Idaacada Kulmiye Abwaan Cismaan C/llaahi Guure,ayaa halkaa ka tiriyay tix Gabay ah:-

Rajadiyo Agoontaan

Aabe iyo Hooyadood

Kuwii dilay Ilaahow

Arxan malahe eedsii

Intii u asxaan fashana

Rabiyoow abaal mari

14 24 DSC09220 DSC09222 DSC09225 DSC09230 DSC09231 DSC09236 DSC09244 DSC09246

DSC09247


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles