Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan wacyigelin ah oo loo qabtay dhallinyarada ku nool dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”

$
0
0

Majmaca Culumada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa kulan ugu qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Johannesburg, kaas oo lagu wacygalinayay Jaaliyadda gaar ahaan dhallinyarada.

Kulankaas oo  barbar socday sinimaar ayaa waxaa kasoo qeybgalay,Culumo South African ah, qaar ka tirsan Culimada Soomaaliyeed,madax ka socotay Jaaliyadda Waxgarad ,dhalinyarro  Haween iyo Aqoonyihanno wax ka dhiga Jaamacadaha South Africa.

Siminaarkaan dadkii ka hadlay ayaa sheegay in waxgalin joogta ah loo sameeyo dhalinyarada ku dhaqan Qurbaha gaar ahaan kuwa South Africa.

Qaar ka mid ah Waxgaradkii ka hadlay ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay tahay muhiim kulamada iyo Siminaarada lagu wacyigalinaayo bulshada si loo xusuusiyo dhaqankooda iyo diintooda suuban.

Sheikh Ibraahim Bam oo ka mid ah madaxda Culumada Muslimiinta ee South Africa oo isna  Khudbad ka jeediyay Siminaarkan ayaa ka sheekeeyay taariikhda Islaamka iyo waajibaadka saraan dadka Muslimiinta.

Gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed ee South Africa,Sheikh Aweys Xamza oo ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyay Siminaarkan wacyigalinta oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed u baahantahay in la mideeyo loona sameeyo wacyagalin joogta ah si buu yiri ay Soomaalida u noqoto Umadda tayo leh.

“ Hadii aan dhalinyaradeena maanta ku wacygalin wadada toosan oo aan midoobin ma noqonayno Umadd isku xiran,sida uu Illahay Quraankiisa ku sheegay waa inaan isku xirnaanaan” ayuu yiri.

Majmaca Culuma”udiinka Soomaaliyeed ee South Africa ayaa la sameeyay muddo yar ka hor waxaana ku mideysan Madaariis gaara toban Madraso oo ku kala yaalla qaar ka mid ah Gobolada Soomaalida ka degto South Africa.

IMG_0523 IMG_0525 IMG_0530 IMG_0531 IMG_0532 IMG_0537 IMG_0540 IMG_0543 IMG_0545 IMG_0547  IMG_0550 IMG_0552 IMG_0553 IMG_0554 IMG_0560  IMG_0566 IMG_0567 IMG_0571 IMG_0574  IMG_0577  IMG_0582 IMG_0585 IMG_0588 IMG_0589 IMG_0592  IMG_0595C/qaadir Axad,Warbaahinta Qaranka Johannseburg

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles