Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shirka Istiraatiijiyadda Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay- SAWIRRO

$
0
0

Shirka horumarinta istiraatiijiyadda warbaahinta Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayadoo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha warfaafinta dowlad-goboleedyada, ururrada saxaafadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa furay shirkaan, isagoo u mahad celiyay dadka soo qabanqaabiyay shirka iyo ka qeyb galayaasha oo ka yimid warbaahinta Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa daba socda shirkii qaran ee warbaahinta Soomaaliya oo bishii November lagu qabtay magaallada Muqdisho, kaas oo waxyaabihii ka soo baxay ay ku jireen in la sameeyo istiraatiijiyad qaran oo warbaahinta Soomaaliya lagu horumariyo shanta sano ee soo socota.

“Shirkaan wuxuu leeyahay laba ujeeddo, midi waa in la sameeyo qorshe 5 sano ah oo lagu horumarinayo wariyaha iyo warbaahinta Soomaaliya, tan labaadna waa in la soo bandhigo sharciga saxaafadda dalka ee dhawaan la ansixiyay” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Shirkaan ayaa cocon doona laba maalin, ayadoo gabagabada laga soo saari doono istiraatiijiyad qaran oo shanta sano ee soo socota lagu horumarin doono warbaahinta Soomaaliyeed. Hay’adaha IMS/FOJO iyo UNESCO ayaa shirkaan ka taageeraya wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

12544816_10153467781557087_1196664727_o 12546127_10153467781397087_1649144567_o 12546172_10153467781227087_1115029591_o 12506682_10201327564788709_465650134_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles