Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo hirgeliyay isbitaal cusub “SAWIRRO”

$
0
0

Munaasabadan oo lagu weyneynayay sanadguuradii 43aad oo ku beegan markii la aasaasay urururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed isla markaana xarigga looga jarayay isbitaal ay sameysay ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada Xamarweyne qeybaha kala duran ee ururada iskaashatooyinka, barbaarta gaashaaman, dhakhaatiir, odayaal, maamulka gobolka banaadir, dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka iskaashatada kalluumeysiga Cabaas Nuur Mahdi ayaa sheegay in munasaban ay qiimaweyn u leedahay ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Dr Ibraahim oo ka mid ah dhakhaatiirta ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in isbitaalkan loogu adeegi doono bulshada, gaar ahaan shaqaalaha iskaashatoyinka, iyadoo isbitaalka loogu magacdaray UDHIS hospital.

Guddoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka gaadiidka gobolka banaadir Daahir Maxamuud Dirir ayaa ugu baaqay iskaashatooyinka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Guddoomiyaha ururka dhaq dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed Maxamed Abuukar Afrax oo gaba gabadii munaasabadda ka hadlay ayaa kula dardaarmay iskaashatooyinka Soomaaliyeed in ay sii laba laabaan howlaha lagu horumarinayo dalka.

DSCN6871 DSCN6873 DSCN6877 DSCN6878 DSCN6884 DSCN6890 DSCN6892  DSCN6900 DSCN6901 DSCN6904  DSCN6908 DSCN6912  DSCN6918 DSCN6920 DSCN6926

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles