Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

 Macalimiin kubadda Koleyga oo tababar  loogu soo gebagabeeyay  Muqdisho-Sawiro

$
0
0

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa tababar  Macalinimo ugu soo gebagabeeyay  magaalada Muqdisho, Waxaana  xaflada xeritaanka  ka soo qeyb galay mas’uuliiyin ka socotay guddiga Olombikada, Xirirka kubada koleyga , Madaxda Xirirada iyo marti sharaf kale .

Ugu horeyn waxaa  xaflada Ka hadlay    Ku-simaha Xoghayaha XSKK  Cabdi Cabdulle Baasaale, waxuuna sheegay in tababarka ay ka qyab galeen 33 macalin  dhalinyaro u badan   oo si wanagasan uga qeyb qaatay  tababarkan ka soo dhalaali doona aqoonta ay barteen.

Macalin Cumar Cabduqaadir Baarajab  oo tababarka bixinayay  ayaa  sheegay in uu la kulmay macalimiin dhalinyaro ah oo diyaar u  ah in ay  bartaan xirfada macalinimo  isla markaana ka mirodhalin kara iyo  cayaartooy da’yar oo aad u danaynaya  barashada xirfada kubadda Koleyga taasna ay muujinaysa horumarka kubadda koleyga .

Macalin Baarajab ayaa dhanke kale  Macalimiinta kula dardaarmay in ay guddi ay  samaystaan kulaman ay yeeshaan si ay ukala faa’iidaystaan , waxuuna mahadcelin u soo jeediyay XSKK iyo intii ka gacanta ka geysatay socodsiinta tabaraka.

Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cabdi  oo Xaflada ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan  u bilow yahay   xiriirkana uu qaban doono tababaro kale  oo lagu horumarinayo macalimiinta kubada koleyga  isla markaana   tababarka xiga ay ka qayb qaadan doonaan  macalimiin ka socota  gobolada dalka.

Cadaani  ayaa dhanka kale  guddiga farsamada XSKK ku amray in macalimiinta tababarka  ka qayb  qaadatay loo qeybiyo Iskuulada iyo Jamaacadaha  isla markaana kormeel joogta ah ku sameeyaan.

Gebagebadii  waxaa  tababarka soo xiray xoghayaha guud ee GOS Duraan Axmed Faarax  waxuuna  sheegay  si la helo cayaartooy wanaagsan  ay marka Hore Macalimiintt tababari lahaa la helo  talaabada uu xiriirka qaadayna ay tahay mid ku haboon xilligan.

Xoghayha ayaa dhanka   intaa kudaray in tababaradan ay ku koobnaan  ee caasimadda  lana  gaarsiiyo gobolada dalka , waxuuna intaa ku daray in GOS soo dhaweynayo dadaalda xiriirka iyo Macalin Baarajab  oo sameeyay qorshe horumaneed  GOS-na ay ka qayb qaadan doonto dadaaladaas, waxuuna ugu dambayn macalimiinta tababarka usoo idlaaday kula dardaarmay in ay dadaalka halkooda kasii wadaan.

waxuuna Macalin Cumar Baarajab  oo door muhiim ah ka qaatdanaya , waxuuna Macalimiinta tababarka u idlaaday  kula dardaarmay in ay kasoo dhadhaalaan aqoonta iyo waqtiga lageliyay.

DSC09576 DSC09582 DSC09592 DSC09599 IMG_0175 IMG_0267 IMG_0335 IMG_0437 IMG_0485 IMG_0521 IMG_0559 IMG_0586 IMG_0601 IMG_0606 IMG_0623 IMG_0639 IMG_0663 IMG_0667 IMG_0693 IMG_0700 IMG_0717 IMG_0721 IMG_0725 IMG_0730 IMG_0736 IMG_0740 IMG_0747 IMG_0752 IMG_0759 IMG_0760 IMG_0786 IMG_0789

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles