Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shirweynaha  guddiga Olombikada Soomaliya oo  lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

$
0
0

Shirkan oo sanadkiiba mar laqabto ayaa waxaa ka soo qeybgalay  wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga  Maxamed C/laahi Xasan Nuux ,  Xildhibaano, wasiiro hore , maamulka gobolka   Guddiga Fulinta GOS, Madaxda Xiriirada, Ururuada ,  Zoonanka gobolada dalka iyo marti sharaf kale.

Shirweynaha oo soconayay 6-7  January  ayaa waxaa warbixin   lagu falanqeynayo  waxyaabihii GOS u qabsoomay sanadkii tagay ee 2015 Gudaha iyo dibadda iyo waxa hada uqorsheeysan ineey qabtaan sanadkan  oo ay kamid aheyd   faahfaahinta dhaqaalaha soo gala GOS iyo sida  ay uqarashaareyso waxaa soo jeediyay xoghayaha GOS Duran Axmed Faarax ,waxaana warbixinta  si weyn  ugu riyaaqay   Madaxda shirka ku sugnayd.

Sidoo Kale waxaa shirka  ka hadlay Xildhibaan Pro:  Cabdiraxmaan Xaaji Aadan  (Ibi) Ex Wasiirkii hore ee Gaadiidka  Saciid Jaamac Qorsheel,  Taliyaha ciidanka Asluubta sareeye gaas Bashiir Maxed jaamac (Bashiir Goobe) waxayna amaan usoo jeediyeen GOS oo dowladda aanan garab kahelayn isboortiga  horumarintiisa u istaagtay  waxayna si gaar ugu hambalyeeyeen dadaalka xagga maamul wanaaga iyo habka wanaagsan ay u soo bandhigeen warbixin sanadeedka dhanka dhaqalaha oo tusaale wanaagsanah.

Masuuliyiinta  ayaa dhanka kale Wasiirka dhalinyarda iyo isboortiga oo goobta ku sugnaa ka ugu baaqay in uu dadaal u galo sidii GOS iyo Xiriirada ay Miisaanyad uga heli lahayeen  Xukumada iyo dib u soo celinta  Garoonka Stadium Muqdisho iyo garoomadii  kooxaha dalka.

Wasiirka dhalinyarada isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux  oo shirweynaha ka hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaraddiisu  ay ka go’an tahay horumarinta Isboortiga ,waxuuna ku baaqay in la qabto shirweyne  ay ku kulmayaan  Wasaaradda ,GOS,xiriirada iyo   odayaashii hore ee isboortiga taasoo ah ari ay  ku xalin karaan dhibaatooyinka jira guud ahaan ayna si wadajir ah guul uga gaari karaan sidii ay dowladda uu qancin lahaayeen in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarka isboortiga dalka.

Guddoomiyaha GOS   Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirweynaha soo xeray ayaa sheegay   in GOS oo heshiis la gaartay shirkad Hantidhowr ah iyo Qareen  oo kala shaqeeya Horumarinta isbootiga .

Guddoomiye Tarabi  ayaa dhanka kale  madaxda xiriirada iyo Soonanka kula dardaarmay in sanadkan 2016 ay sameeyaan isbedel weyn , gaar ahaan Gobolada ay ka guuraan hanaanka Magacaabista oo ay u dhaqaaqaan hab doorasho, waxuuna ugu dambayn u mahad celiyay dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay shorwanaha.

IMG_0902 IMG_0906 IMG_0934 IMG_0939 IMG_0961 IMG_0981 IMG_1007 IMG_1011 IMG_1026 IMG_1069 IMG_1075 IMG_1078 IMG_1094 IMG_1123 IMG_1142 IMG_1182 IMG_1203 IMG_1213 IMG_1243 j

 W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles