Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaarada Caafimaadka DF ee Soomaaliya oo dhismo cusub ku soo kordhisay isbitaalka Balanbal “SAWIRRO”

$
0
0

Munaasabad lagu daah furayay Isbitaalka guud ee degmada Balanballe oo Wasaarada Cafimaadfka ay ku kordhisay dhismihiisa qaybo muhiin ah, iyadoo kaashanaysa hay’adaha UNDP, UNICEF iyo IMC.ayaa maanta waxaa ka qayb galay mas,uuliyiin kale duwan.

Gudoomiye Ku-xigeenka degmada Balanbal Cabdirisaaq Axmed Xalane oo xariga ka jaray isbitaalka qaybaha lagu kordhiyay ayaa waxaana uu  sheegay in ay farxad wayn u tahey horumarka lagu sameeyey isbitaalka.guud ahaan Bulshada deegaanka.

Xuseen Farey oo ah Madaxa Caafimaadka degmada Balanbal oo ka hadlay munaasabdaan ayaa tilmaamay doorka ay ku leedahay Dawladda gaar again Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shamis Jaamac Yuusuf oo u hadashey qaybaha  bulshada balanbal ayaa ka madcelisay Waxqabdka lagu sameeyay Isbitaalka degmada, waxaana ay sheegtay in ay qayb ka qaadan doonaan horumarka laga wado degmada.

Isku Duwaha  Wasaarada Cafimaadka ee Gobolka Galgaduud Cabdixakiin Guhaad Diiriye ayaa gaba gabadii waxaa uu sheegay in Wasaarada caafimaadka ay ka go’an tahay in sanadkaan 2016  ay gaarsiiso caafimaadka guud ahaan dalka, isla markaana xarumaha cusub ee lagu soo kordhiyay loogu adeegi doono bulshada.

DSCN6344 DSCN6347 DSCN6356 DSCN6366 DSCN6373 DSCN6377 DSCN6379 DSCN6383 DSCN6390 DSCN6393 DSCN6395 DSCN6401 DSCN6405 DSCN6411 DSCN6416C/kariin Axmed Bulxan Balanbal/ Galmudug


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles