Cammaan (29 Maarso, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 28aad ee Jaamacadda Carrabta, ayaa la wadaagay madaxda ka qeybgalaysa shirka horumarka ka jira dalka iyo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in dunida Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, jahwareer siyaasadeed iyo dhibaato dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay madaxda Carbeed in ay u midoobaan sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas. “Waxaan u baahannahay inaan mideyno dadaalkeenna si looga gudbo caqabadaha na horyaalla. Waa inaan dardargelinaa sidii loo ilaalin lahaa mustaqbalka dadkeenna. Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaallamaya Ciraaq, Suuriya, Liibiya iyo Yemen in ay colaadda joojiyaan.” Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale, ku sheegay khudbad qoraal ah oo loo qeybiyay wufuuda ka qeyb galaysa shirka, in dimuqraadiyadda ka hana qaadday Soomaaliya ay tilmaam wanaagsan u tahay horumarka iyo soo kabashada dalka. “Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinka hareeyay dunida Carabta, haddana waxaan bishaaro idiinkaga wadaa Soomaaliya, oo bilowgii sanadkan ay ka dhaceen doorashooyin, si nabad ah ku dhamaaday oo aan horay loo arag, dimoqraadi ah, xor ah, daah furan oo dunida oo dhan ay daawaneysay, ka soo bilow doorashooyinkii Barlamaanka. Waxaa xigay doorashadii madaxweynaha oo aan ka [...]
↧