Ra’iisul wasaaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa manta lagu wadaa in uu golaha Baarlamaanka horgeeyo Xukuumadda cusub ee uu uu dhowaan soo magacaabay iyo qorshe howleedka u degsan Xukuumadda. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale maanta looga fadhiyaa in Xildhibaanada golaha Baarlamaanka uu u gudbiyo waxqabadka muddada 4-sano ah ee laga filayo Xukuumadda cusub inay ku shaqeyso. Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
↧