Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qoysas Ka soo Barakacay Abaaraha ka jira Dalka Oo Deeq Raashin ah la gaarsiiyay

$
0
0
Qoysaskani oo ku kala nool Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo Deegaanka Garas Baaley  ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta Bur, Bariis, Sokor, Timir,  Caano iyo Digir taas oo ay ka faa’iideen ku dhawaad kun qoys oo ka mid ahaa dadkii ay saameysay Abaarta dalka kajirta. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa deeqdaan  raashinka ah gaarsiiyay qoysaskani,iyadoo goobta ay ku sugnaayeen maamulka Degmada kaxda ee Gobolka banaadir. Qar ka mid ah dadka deeqda ka faa’iideystay ayaa u mahad celiyay intii ka dambeysay in gurmadkaan la soo gaarsiiyo. Guddoomiyaha maamulka Degmada kaxda  ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi ayaa sheegay in Tiro badan oo ka mid ah dadka ka soo hayaamay abaaraha ka jira dalka ay ku sugan yihiin degmada kuwaas oo u baahan gurmad joogto ah.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles