Shir madaxeedka wadamada geeska Afrika ee IGAD oo maanta la qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia oo haya xilka meertada ah ee ururkan. Agendaha shirkan oo ahaa wax ka qabashada xaaladda qaxootiga Soomaalida ah ee ku kala nool dalalka gobolka ayaa waxaa gabegebadii shirka laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban. Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay isla markaana ay bogaadiyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay u aheyd markii ugu horeysay oo shirka uu ka qeybgalo isagoo madaxweyne ah. Sidoo kale, hogaamiyeyaasha IGAD ayaa waxaa ay u hambalyeeyeen danjire Maxamed Cabdi Afey oo dhowaan laanta qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR u xilsaaran arimaha qaxootiga Soomaalida. Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ay isla garteen in dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalalka gobolka kuwo doonaya in ay dalkooda ku laabtaan laga caawiyo isla markaana aan la qasbin dadka qaxootiga ah. Sidoo kale madaxda IGAD ayaa isla gartay sida ay muhiim u tahay in la dardargeliyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab maadaama dalalka IGAD intooda badan ay qeyb ka yihiin howlgalka midowga Afrika ee AMISOM. Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ahaa shir [...]
↧