Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha+Sawirro

$
0
0

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa 02-Jan-16 soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha maamulka Puntland, shirkaas oo maanta 15-wasaaradood iyo labo hay’adood ay ku soo bandhigeen wax-qabadkoodii sannadki tegey ee 2015-ka.

Dhammaan hay’adihii kala duwanaa ee maanta soo bandhigay wax-qabadkoodii ayaa waxaa su’aalo la-xiriira shaqooyinkooda weydiinayey intii shirku socdey Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka, Golaha Wasiirada iyo xeeldheerayaal ka kala socday ururada kala duwan ee bulshada kuwaas oo ka qayb galay shirka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood oo dambe ah ayaa maalinimada beri ah waxa lagu soo bandhigi doonaa wax-qabadkii qaybo ka mid ah Hay’adaha maamulkaasi, kuwaas oo aan weli bandhigin waxyaabihii u qabsoomay.

Sidoo kale maalinta ugu dambaysa ee 04-Jan-2016 ayaa qorshuhu yahay in Hay’adaha Idil ahaantoodba ay soo bandhigaan qorshe hawleedkooda sannadkan cusub ee 2016-ka iyo wax-yaabaha ay hiigsanayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay ujeedka barnaamijkani in ay tahay in bulshada iyo dawladdu ay isu muuqdaan islamarkaasna ay bulshadu ogaato halka ay marayaan shaqooyinka  baaxadda leh ee ay dawladdu u hayso.

Madaxweyne Dr.Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu dar-dar gelin doono shaqada uu maamulku u hayo bulshada, isagoo xusay in Puntland ay ku dhisantahay wadatashi iyo isla-xisaabtan isla markaasi shacabka Puntland ay yihiin kuwo la xisaabtami doona maamulkooda.

0ea7ca63-b83e-4ffb-9169-58da35d95add 01f6b269-7640-4d03-99a3-b18bab2eb924 6b39b6d3-1440-4476-8ee5-15e9f093f700 14c51f5e-adba-452b-afc2-4a5f91266738 015a4b5c-58da-40a2-90c7-a2188211e233 84e95f0e-2ce1-430a-9542-4e27339c5050 9503ca68-2eb8-4fba-b827-57c6583d57e0 41943d44-ff89-49eb-b5e3-2362801286e4 876345fb-57e5-4067-817b-49f8578c913b c7be3bd6-a969-40ec-898e-55af8f7fffd0 e6f9146e-3d64-4c81-b189-413490119f81

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles