Maxaa hadda looga fadhiyaa dowladda cusub ee ka hana qaaday dalka inkastoo uu shacbiga Soomaaliyeed uu si diiran u soo dhaweeyay hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliyeed, haddana weli far kama qodna xaaladdda dhabta ah ee Soomaaliyeed, ilaa intee Madaxweynaha hadda talada haya uu wax ka qaban karaa? Hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliya oo la doortay 8 Febraayo ee sannadkan, waxaa si diiran u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, arrintaasi waxay faxad gelisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo niyad jab ba’an heystay. Haddaba, Xilka uu qaaday mudane Maxamed Cabdullaahi waa mid aad u culus oo aan ku dhamaan karin si fudud. Waxay soo ahaataba waxaa shacabka Soomaaaliyeed u caddaatay in mudane Farmaajo uu yahay hoggaaamiye dhab ah oo u hana qaaday dhammaan geeska Afrika. Hoggaamiyaha nasiibka badan ee habeen dhaladka ah, waxuu dhashay waqti loo baahnaa, waxaa taa daliil cad u ah farxaddii oo ilaa iyo hadda aanan dhamaanin ee uu shacabka Soomaaliyeed weli la jalboonayo, kaddib markii ay qiyaaseen ishaarteenna hoggaamiye badbaadin karaa, kana badbaadin kara ammaan darrida caddaaklad darida iyo shaqo la’aanta dilootay. Dabcan, mudane Farmaajo iskama imaanin, ilaah baa keenay macno la’aanna uma gelin tartanka ee waa ilhaamin xagga rabi nooga timid, wuxuuna muujiyay dadaalkiisa kama dambeysta [...]
↧