Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa guddiga abaaraha ku wareejiyay lacag loogu talagalay qoyska Madaxweynaha, taasi oo uu Madaxweynuhu u gartay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu ku saameysay gobollada dalka. Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka qeybgalay barnaamijka Gurmad Walaal ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay lacagtan ku timid. “Sheekh Nuur waxaan rabaa inaan ku sheego Madaxweynaha ayaa ila soo hadlay, nin ganacsade ah ayaa u keenay lacag dhan 30 sodon kun oo dolar oo qoyskiisa loogu talagalay, Madaxweynuhu waxa uu igu soo wareejiyay lacagtaas si loo siiyo dadka ay abaartu heysato, anaguna waxaan rabaa inaad iga guddoontaan lacagtaas oo aad gaarsiisaan dadka loogu talagalay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya. Dhanka kale Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddiga u sheegay in goordhaw ay soo gaari doonto lacago ay balan qaadeen ganacsato Soomaaliyeed kadib kulan uu la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada. Ra’iisul wasaaraha ayaa barnaamijka ka dhex sheegay in dowladda Turkiga ay ku deeqday daawooyin loogu talagalay dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee ku dhibaateysan qaar ka mid ah gobollada dalka. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo jeediyay in la joojiyo xafladaha la qabanayo inta [...]
↧