R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ballaaran la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, isaga oo kala hadlay sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah oo lagu gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameynta ba’an ku yeesheen. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin mugleh ka qaataan taakuleynta dadkan, isaga oo xusay in guddiga gurmadka Qaran ee Abaaraha ay ku tabarucaan wixii dhaqaale ah, isla markaana ay ka mid noqdaan howlwadeenada guddiga si ay u ogaadaan habka loo maamulayo lacagahaasi. “Haddii ay jirto maalin la idiin baahan yahay, maanta ma jirto maalin la idiinkaga baahi badan yahay, waxaan idinka codsanayaa inaad si dhaqso leh ku bixisaan wixii aad awoodaan ee aad ku taakuleyn kartaan shacabka abaareysan” ayuu ku yiri R.wasaare Kheyre xubnihii ganacsatada oo ay hogaaminayeen Rugta ganacsiga Soomaaliyeed. “Haddii aad lacag abuurtaan, halkeed ku cuneysaan, haddiiba dadkiinii ay abaaro u le’anayaan, waad la socotaan shacabka Soomaaliyeed kala bar abaartu wey saameysay” ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in guddigan ay madax u yihiin dad wadaado ah oo bulshada dhexdeedana sumcad ku leh. Ganacsatada ayaa dhankooda ballan qaaday inay bixinayaan dhaqaalo lagu taakuleeyo dadkaasi ay abaaruhu ku dhufteen, iyaga oo tilmaamay in si [...]
↧