Munaasabadaan oo aheyd mid ka duwan kuwii hore ee lagu maamuusi jiray maalinta haweenka aduunka ee 8da maarso ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulada Galmudug iyo puntland iyo boqalaal hawewen ah oo ka kala socaday ururada haweenka Gobalka mudug ee labada maamul. Munaasabada oo inteeda badan looga hadlay ahmiyada nabada iyo isdhaxgalka bulshada gobalka mudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyayaasha dagmada Galkacyo ee Galmudug iyo Puntland Xirsi yuusuf Barre iyo Maxamuud Yaasiin kuwaasi oo ku dheeraaday ka hadalka ahmiyada ay leedahay nabada iyo isdhax galka bulshada iyagoona balan qaaday in ay hormuud u noqan doonaan sidii loo soo afjari lahaa colaada kusoo laa laabatay magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug , sidoo kalana laga wada shaqeyn doono sidii dib loogu furi lahaa wadooyinka wali xiran tan iyo dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2016 markii dagaalku uu ka qarxay xaafada garsoor ee galbeedka magaalada galkacyo. Sidoo kale waxaa iyaguna ka hadlay munaasabada gudoomiyayaasha ururada haweenka gobalka mudug ee Puntland iyo Galmudug Xaawo C/laahi iyo maymuun Cali nuur Geyfane kuwaasi oo ka dhawaajiyay in haweenka gaobalka mudug ay diyaar u yihiin in ay u istaagaan bad baadinta ubadkooda. Munaasabadaan oo intii ay socatay ay qudbado kala duwan [...]
↧