Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Hay’adda UNODC oo ku wareejisay Taliska Ciidanka Booliska buugaag “SAWIRRO”

$
0
0
Hay’adda UNODC ayaa maanta ku wareejisay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed deeq buugaag oo ka kooban Buugaagta Xeerka Ciqaabta, Xeerka Habka Ciqaabta iyo buugaagta Saldhigyada ee lagu diiwaangeliyo maxaabiista, kuwa lagu qoro marag muujinya iyo hantida  maxaabiista. Deeqdaas oo lagu wareejiyey Taliska waxaa ka Guddoomay Sareeyo guuto Axmed Dayib Axmed(Dhegacaleen) oo ku hadlaayey magaca Taliyaha Ciidanka ayaa hay’adda UNODC uga mahadcelieyey deeqaas , wuxuuna sheegay inay buugaagtaas loo qabay baahi weyn ayna wax weyn ku soo kordhin doonto habsami u socodka hawlaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ugu adeegayo bulshadiisa. Qalabka ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo saldhigyada ciidanka booliska.     

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles