Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Xog-yaha guud ee Qaramada Midoobey iyo wefdi uu hoggaaminayo oo yimid magaalada Muqdisho. Antonio Guterres Xog-hayaga guud ee Qaramada Midoobey markii uu yimid Muqdisho, waxaa soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya kaddibna uu kulan gaar ah la qaatey madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamajo iyo Mudane Guterres ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladaha adag ee abaaraha ka jira Soomaaliya oo aad u sii darsadey, madaxweynaha ayaa u sheegay in abaartu aysan xilligaan u baahneyn hadal keliyah oo ay tahay in si dhab ah wax looga qabto. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee Q.M Soomaaliya u qaabilsan Michel Cheating Safiirka Soomaaliya ee Q.M u fadhiya Yuusuf Garaad Cumar iyo Saraakiil ka socotay hey’adaha gargaarka bini’aadannimo ee Q.M. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha guud ee Q.M ayaa shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho kulankooda kaddib. Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay in isaga iyo Guterres ay ka wada hadleen in gurmadka abaaraha la dadajiyo, isla markaana la badbaadiyo nolosha Malaayiin dad Soomaaliyeed oo helis ugu jirta abaarta, isla markaana dowladdiisa lagu gacan siiyo wax ka qabashada arrintaan xannuunka badan, dowladda [...]
↧