Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidanka Amaanka maamulka Koofur Galbeed oo Gacanta ku dhigay dhaqar qabe dil geystay.

$
0
0
Wasiirka Hub kadhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Xasan  Xuseen oo la hadlayey  warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay u suura gashay in ay gacanta kusoo dhigeen dhagar qabe xalay dil ka geystay Magaalada Baydhabo. Wasiirka ayaa sheegay in ninka dilka geystay la qabtay isla waqtigii uu dilka geystay asago oo aan aad uga fogaan  goobta uu dilka ku geystay waxaana uu xusay in ruux uu dilay ay ahayd Haweeney Ganacsato ahayd. Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay u diyaarsan yihiin baacsiga kooxaha nabad diidka ah ee falalka amni daro ka geysto Meelaha uu maamulka ka taliyo. Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Amaanka ay aad u xoojinayaan amniga guud ahaan Deegaanada ay ka arimiyaan asaga oo xusay in ay dhawaan ka sifeyn doonaan Gobolada koofur galbeed kooxda nabada iyo deganaanta u diiday Bulshada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles