Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Masar uga qeybgalaya shir ku saabsan saxaafadda Afrika+Sawirro

$
0
0
Wafdi ka socda wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo uu hoggaaminayo agaasme C/raxmaan Yuusuf Sheekh “Alcadaala” ayaa dalka Masar uga qeygalaya shir looga hadlayo horumarinta Saxaafadda Afrika. Shirka waxaa soo qabanqaabisay Wasàradda arrimaha dibadda ee Masar, waxaana ka qeybgalaya wafuud ka kala socota warbaahinta Sodon dal, shirkan ayaa looga hadlayaa sida ay warbaahinta Afrika ugu jihaynlahayd Bulshada Afrika in ay iska horqaadaan caqabadaha haysta sida , musuqa, xagjirnimada, abaaraha iyo gaajada. Waxaa kaloo laga jadlayaa shirkan in saxaafaddu ku dhiirigaliso dunida iyo dadka Afrikaanka ahba in ay maalgashadaan  soona saartaan khayraadka ku jira dalalkooda. Maanta waxeey Ergooyinku booqdeen xarunta baarlamànka Masar oo ay kula kulmeen Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, sidoo kale waxeey galabta la kulmeen ganacsatada ugu waawayn dalka Masar oo ay ka doodeen sida loo muujinkato khayraadka Afrika.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles