Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa furay shirka gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee u dhaxeeyey beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Sooomaaliya. Madaxweynaha oo furay shirka gurmadka abaaraha, ayaa kudbaddiisa uga hadlay khatarta abaarta ka jirta gobollada Soomaaliya iyo haddii aan wax laga qaban dhibaatada ka dhallan karta, madaxweynaha ayaa sheegay in halista ugu daran ay tahay haweenka iyo carruurta ay saameysay arrintaasi, isla markaana ay waajib ku tahay dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda beesha caalamka in si deg deg ah looga jawaabo oo gurmad la helo, abaarta waxa ay si la mid ah dadka u sameysay xoolaha iyo kaabayaashii kale sida biyaha iyo beeraha. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka May ka dhici doona London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo in ay geyn dooni istaraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laa laabtay, waxa uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, madaxweynuhu waxa uu xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto, laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah nolosha bini’aadamka. Shirka waxaa joogey dowlad gobolleedyada [...]
↧