Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiiru Dawlaha Madaxatooyada Koofur Galbeed Maxamed C/laahi Mursal oo la kulmay ururada Bulshada

$
0
0
Wasiiru Dawlaha Madaxatooyada Koofur  Galbeed  Maxamed C/laahi Mursal ayaa Maanta Dhalinyaro iyo ururo Bulsho oo ku dhaqan magaalada Baydhabo Laqaatay kulan  Wasiirku lagu weydiinaayey  su’ aalo laxariiray Waxqabadka Maamulka Koofur Galbeed. Waxaana Kulanka kasooqeybgaley Dhalinyaro Kakala socotay Isportiga , Caafimaadka  , Waxabarashada iyo waliba ururada Bulshada rayidka ee Magaalada Baydhabo Kulanka ayaa Dhalinyaradu Waxay kusoo bandhigeen Ra igooda Ku aadan  Waxqabadka maamulka KG Iyo waliba Dhaliilaha uu leeyahay. Waxaana qaarkood ay soojeediyeen talooyin kusaabsan hormarka dalka iyo  suuragalnimada in Dhalinyarada laga qeybgaliyo siyaasada dalka iyo sidii shaqa abuur looga sameyn lahaa Dhalinyarada Su’aalaha la weydiiyey Wasiiru dawlaha intii uu kulanka Socoday Waxaa kamid ahaa Waxayaabihii uu qabtay Mudadii 2 sano aheyd ee  uu jiray Maamulkooda  iyo Qorshaha Maamulka ee Sanadada Soosocoda  Iyo waliba Shaqooyinka Qaar kamid ah wasaaradaha maamulka oo Wali Muuqan. Kulanka markii uu soo dhamaadey wasiir maxamed C/laahi Mursal ayaa lahadlay Warbaahinta qaranka waxaana uu sheegay in ay tixigalindoonaan  talooyinka Dhalinyarada. Qaar kamid ah Dhalinyaradii ka qeybgashey kulanka ayaa muujiyey Dareenkooda ku aadan kulanka maanta ay la qaateen Wasiiru dawlaha Mdaxatooyada KG Maxamed C/laahi Mursal. Dhinaca kale wasiiru Dawlaha Mdaxatooyada KG Maxamed C/laahi Mursal ayaa galinkii danbe ee manta koormeey  goroonka Kubada Cagta ee Magaalada Baydhabo halkaasi oo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles