Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Danjire Daahir Geelle oo la kulmay wasiirka beeraha ee dalka Sacuudiga

Shir ay isugu yimaadeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamud Geelle iyo Wasiirka Beeraha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabia, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda beeraha ee dalkaasi.
Shirka waxaa ka soo qeyb galey saraakiil labada dhinac ka kala socdey oo ka mid ahaayeen Mudane Saalim Macow Xaaji oo ah La taliyaha koowaad iyo ku xigeenka safiirka, iyo Mudane Abdullahi Ibrahim Adan Sakreteerka sedexaad ee safaarada.
Shirka ayaa si weyn loogu falanqeeyey arrimo dhowr ah oo la xiiriira dhinaca beeraha, xoolaha iyo kaluumeysiga ee labada dal.
Mudane Daahir Geelle ayaa wasiirka beeraha Sacuudiga ka codsaday in ganacsatada Soomaalida loo furo suuqyada Sacuudiga loona ogolaado iney dalka Sacuudiya u dhoofiyaan hilibka xoolaha oo lagu diyaariyey dalka Soomaaliya gudahiisa.
Wuxuu sidoo kale dowlada Sacuudiga ka codsadey in Somaaliya laga taageero horumarinta tacabka beeraha gaar ahaan horumarinta muuska Soomaaliya iyo sidii loo sahli lahaa iib geentooda dalkaasi.
Danjiraha ayaa hadalkiisa ku darey in Somaaliya ay leedahay bad dhirirkiisa uu yahay 3300 Km kana buuxo kaluun aad u fara badan loona baahanyahay in maalgashi lagu sameeyo.
Wasiirka Beeraha Sacuudiga ayaa sheegey iney mudnaan weyn siinaayaan dalka Soomaaliya, wuxuuna balan qaadey inuu gacan weyn ka geysan doono wax weyna ka qaban doono arrimaha safiirka Somaaliya ka codsadey.  Wuxuu kaloo sheegey inuu ganacsatada Sacuudiga ku dhiiriglin doono iney maal gashi ku sameystaan dalka Soomaaliya. 

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles