Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay boqorka dalka Sucuudiga+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray wadanka Sacuudiga. Waxaa si weyn u soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee ku taala wadankaas iyo madax kale oo ka socota dowladda Sacuudiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay boqorka wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis, iyadoo Boqorku uu sheegay dowladda Sacuudiga inay Garab taagantahay Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira kulamo kale oo madaxweynaha iyo wafdigiisa inta ay ku suganyihiin Sacuudiga ay la yeelan doonaan Madax kale oo ka tirsan Wadankaas.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles