Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu saakay u ambabaxay safarkiisii ugu horeeyey ee uu uga baxay dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa u ambabaxay wadanka baqortooyada Sacuudiga iyadoo ay safarkiisa ku wehliynayeen xildhibaano , wasiiro , taliyaha ciidanka Booliiska iyo masuuliyiin kale. Safarkan ayaa noqonayo kii ugu horeeyey ee uu dalka uga baxo Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.
↧