Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Louisville gobolka Kentucky ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay Taageerada ay u hayaan dowlada Soomaaliyeed iyo madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdillahi “Farmaajo”. Boqolaal dhalinyaro ubadan ayaa ka soo qeybgalay xafladan, waxayna ku marti galiyeen Maamulka gobolkooda iyada oo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Louisville ay soo camreen goobta xaflada. Muddadii ay socotay xafladda waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay dhamaan martidii ka hadashay iyada oo diirradda la saarayay ahmiyadda Dowladnimada iyo Ammaanka u leeyihiin Bulsho walba oo dunidan ku nool. Madaxweyne Farmaajo ayay ugu baaqeen in uu diirradda saaro arrimaha Amniga iyo ciidamada si loo helo ciidan qaran oo hanan kara Amniga iyo xasiloonida. Qaar ka mid ah waxgaradkii ka hadlay xafladan oo aad u qiiraysnaa ayaa Jaaliyada ugu baaqay in ay is garab taagaan dowladooda iyo in laga qeyb qaato bixinta mushaaraadka ciidanka si ayay dhaheen looga gudbo Baahida dhaqaale ee curyaamisay ciidanka Qaranka,waxayna inbadan oo ka mid ah balan qaadeen in ay bixinayaan wax walba oo dalkooda lagu samatabixinayo balse ay sugayaan hanaankii ay mari lahayeen iyo in dowladu soo diyaariso qorshe lagu caawiyo. Mas’uuliyiintii ka socotay dowladda gobolka Kentucky ee xaflada ka hadlay [...]
↧