Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Saraakiil Boliiska ka tirsan oo Tababar loo furay+Sawirro

$
0
0
Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa tababar u furay saraakiil xigeenno sanadihii la soo dhaafay  udallacay Darajada Sarkaal ee Xiddigle,Kuwaasoo tababarka ku baran doono waajibaadka sarkaalka looga baahanyahay, maadaama ay muddo dheer ku soo jireen hawlaha ciidanka, casharro la xiriira qaabka hoggaaminta,barashada shuruucda dalka, xirfadda baarista dembiyada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ay barandoonaan. Saraakiisha tababarka loo furay oo gaaraya 80 Sarkaal ayuu Taliyaha ciidamada Boliiska Maxamed Sheekh Xasan xaamuud kula dardaarmay inay dhowraan hab dhaqanka Akaadeemiyadda Muddada ay tababarka ku jiraan, kuna booriyey inay ka faa’iideystaan fursaddaan qaaliga ah ee loo fidiyey. halka tababarkaan uu ka furmay waxaa goob joog ka ahaa Taliye kuxigeenka 2aad S/Guuto Bashïìr Cabdi Maxamed, Taliyaha Hoggaanka Tababarka iyo Qorshaha,Madaxa Guddiga dib u habeynta iyo tayeynta saraakiisha S/Guuto AXMED Dayib Dhegacaleen iyo Taliyaha Akaadeemiyada Jen. Kaahiye G/Sare. Cabdikariim Xuseen.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles