Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidanka Booliska oo maanta gacanta ku soo dhigay hub lagu Kaydiyay Masjid”Sawirro”

$
0
0

WhatsAppShare

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo hawlgaladaan ka sameeyay Masjid ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay hub isugu jira gantaalada Liddka Diyaaradaha iyo kuwa garabka laga gano kuwaas oo masjidkaasi lagu kaydsaday.

Wasiirka amniga gudaha iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hawlgalka kadib halkaasi kormeer ku tagay ayaa sheegay in hawlgalku sii socon doono maaddaama kooxaha dhagar qabayaasha ay suurtagal tahay in meela kale ay ku aasaan hub lagu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed.

C/risaaq Cumar Maxamed wasiirka aminga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Saxaafadda ayaa ku amaaanay Ciidanka Booliska dadaalkooda geesinimada leh maaddaama ay ka hor tageen hubkaan oo dhibaato loogu gaysan lahaa Umadda Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka Al shabaab oo la rumaysan yahay in hubbkan ay ugu talagaleen in weeraro ay kaga gaystaan magaalada Muqdisho ayaa hadda u muuqda kuwa ku hungoobay damacooda, waxaase laga yaabay in xitaa goobaha cibaadada aysan alle uga baqayn maaddaama ay hubka ku uruursadaan, iyagoo horayna dadka Masaajidda ugu dili jiray.

DSC00120

DSC00075

DSC00085

DSC00089

DSC00126

DSC00047

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles