Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Dhismaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Maamulkaasi”Sawirro”

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha  Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal , shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka  Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu  kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii  loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka dib dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee  Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, maadaama ay wasaaraddu kamid tahay wasaaradaha ugu ballaaran Puntland isla markaasina ya muhim tahay in ay hesho dhisme kabedelan kan ay hadda ku shaqayso,

Waxaana kasoo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay  ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan.

Wasaaradaha Maamulka Puntland ayaa intooda badani  waxay u wada guureen  dhismayaal casri ah taasina waxay markhaati u tahay sida ay Puntland cagaha u saartay dhabbihii horumarka iyo sinnaanta taaso gundhiggeedu yahay isku tashi Maamulka iyo shacabka ah.Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9537
  Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9551
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9561
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9567
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9575
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9579
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9593
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9613
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9642
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9664
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9667
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9675
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9686
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9689
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9696
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9699
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9717
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9740
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9759
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9762
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9780

 

 

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles