Shirka oo socon doona muddo 5 maalin ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Banigiga adduunka, waxaana ka soo qeybgalay wasaaradda maaliyadda ee DFS iyo wasaaradaha maaliyadaha ee maamul goboleedyada dalka. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo mideyn lahaa hanaanka canashuuraha soo gala guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana si aad ah u soo dhoweeyay xubanaha ka socday maamul goboleedyada dalka. C/qafaar C/laahi oo ka socday Banigaga adduunka iyo qaar kamid ah xubnaha wasaaradaha maaliyadaha ee maamul goboleedyada dalka oo hadallo kooban ka jeediyay goobta ayaa si aad ah u soo dhoweeyay shirkan, iyagoo sheegay in wax badan oo dan u ah dadka iyo dalka ay ka soo bixi doonaan. “ Maanta waxaa halkaan shir isugu yimid mas’uuliyiin ka socota wasaaradaha maaliyadda federaalka iyo gobollada, waxaa laga hadlayaa sidii ay isugu keeni lahaayeen dhaqaalahooda, maanta waxaa xoogga la saarayaa sidii canashuuraadka qaarkood la isku waafajin lahaa” ayuu yiri C/qafaar oo ka socday Banigaga adduunka. “ Halkaan waxaan u nimid shir ku saabsan mideynta maaliyadda ee DFS iyo dowlad goboleedyada, waxaa aad looga hadli doonaa sidii loo mideyn lahaa canshuuraha” ayuu yiri C/casiis Maxamuud Xuseen oo ka socday maamul goboleedka Galmudug. “ Shirkan runtii shirar hore iyo dadaal badan oo la soo [...]
↧