Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maleeshiyaad Deegaanka Ceel Cali Mire ku Afduubtay Gaari Ambulace ah

$
0
0

WhatsAppShare

War Goordhow naga soo gaaray Magaalada Dhuusa Marreeb ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab ay Afduubteen  gaari Ambulace  ah oo loogu  adeegayay dadka Magaalada.

Wariyaha warbaahinta Qaranka uga soo warrama Gobolka Galgaduud  Maxamed Cabdi Maxamed ayaa qadka Taleefoonka inoo ku sheegay in Cisbitaalka Magaalada ay soo weceen rag iska dhigaya in gurmad caafimaad loo sameeyo kaddibna maamulka Cisbitaalka uu u diray dadkaas Gaari Ambulace ah  oo lagu daray mid ka mid ah  kal-kaaliyasha caafimaadka, markii ay gaareen deegaanka Ceel Cali Mire oo qiyaastii Magaalada u jira  7 km ayuu wariyuhu sheegay in ay afduubteen rag gaarayay 7 maleeshiyaad ah.

Si doo kale dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ay raggaan muddo  ay sugayeen gaariga markii uu yimidna ay wateen.

Maamulka Magaalada Dhuusa Marreeb ayaa wali wada Baaritan ku saabsan waxa ay yihiin dadkaan afduubta Gaariga.

Wixii warar ah ee Arrintaan la xiriira Dib kala socda Akhristayaal

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles