Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wariyaal soo dhaweeyay meelmarinta Sharciga Saxaafadda

$
0
0

WhatsAppShare

Suxufiiyiinta ku nool magaalada muqdisho ayaa soo dhaweeyay Go’aankii shalay ay baarlamaanka Federaalka aku meelmariyeen sharciga safaaxadda kaas oo muddo laga shaqeynayay.

Wariyeyaasha ka howlgala Idaacadaha Madaxa bannaan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa uga Mahadceliyay Baarlamaanka Tallaabadii ay ku meelmariyeen Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda oo dhawaanahaanba ay Baarlamaanku ka Doodayeen Meelmarintiisa.

Sharciga Saxaafadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa soo maray Marxalado kala duwan ka hor Meelmarintiisii shalay ee Baarlamaanka, isagoo sharcigaan waxbadan kabadali doono hanaanka Saxaafadda ay hadda ku shaqeyso.

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles