Subaxnimadii Arbacada ee ku beegnayd 25-01-2017, Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Weerar Argagixiso oo loo adeegsaday Qaraxyo baabuur iyo Weerar toos ah kaas oo ay Al-Shabaab sheegteen in ay ku layaayeen wax ay ku tilmaameen Murtadiin oo ay ula jeedaan dad ka baxay Islaamka, waxaa laga yaabaa in Dadbadani ay marka ay maqlaan Warkaas ufasirtaan in ay yihiin Xubno ka tirsan Dawladda Soomaaliya oo Al-Shabaab iyo Kooxaha lafikirka ah ay gaalaysiiyaan, iyagoo ka been sheegaya Shareecada Islaamka, hase ahaatee waxaa jirta xaqiiqo aan lawarin oo ka sal balaaran intaas. Yay ahaayeen Dadkii ku dhintay Weerarkaas? Goobtaas oo ahayd meel ay ku badantahay saxmadda Dadwaynaha maadaama ay tahay Waddo mashquul badan oo ay ka agdhawyihiin Goobo ganacsi, Xaafado ladaganyahay iyo socoto badan oo isticmaalayay Waddada, waxa ay keentay in uu ka dhasho Qasaare baahsan kaas oo u badan Shacabkii ku sugnaa nawaaxiga halka laweeraray, kuwaas oo ay u muuqato in ay Shabaab udileen si ku talo gal ah, maadaama ay ogaayeen in halka ay weerarayaan ay tahay goob ay ku badanyihiin shacab, isla markaana nuuca weerarkooda oo ahaa mid loogu talo galay in uu gaysto Qasaare baahsan uu galaafandoono Nolosha iyo hantida Shacab badan oo aan wax lug ah ku lahayn [...]
↧