Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qaabka loo tebiyo Warka Kufsiga

$
0
0
Kufsi waxaa uu ka mid yahay dembiyada cul-culus ee Saxaafaddu ay tahay in ay aad uga fiirsato qaabka ay u tebineyso. Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo muddo ku shaqeynayay howsha Saxaafadda ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu uga waramayo Tabta Tebinta Kufsiga, waxaana uu aad uga faallooday qaabkii loo baahiyay waxa uuna qoraalkiisa ku yiri “Maalmahaan waxay saxaafadda Soomaalida oo ay ku jirto midda bulshadu aad uga hadashay Kufsi ka dhacay Mudug oo kiciyay dareenka dad badan oo samaha jecel. Aniga waxaa ii dheeraa in aan si gooni ah ugu dhug lahaa sida loo tebinayay warka”. “Waxaan weriyayaasha iyo qorayaasha saxaafadda bulshada la wadaagayaa khibrad ku saabsan sida looga warramo kufsi”, ayuu yiri Yuusuf Garaad. Khibrad, aqoon guud iyo mid qaanuun in lala kaashado ka sokow, Saxaafadda tebineysa kufsi waxaa habboon in Tifatiraha ugu sarreeyaa uu ka warhayo habka loo dhigayo warka, mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee go’aanka tebintana uu isagu qaataa. Suxufi Yuusuf Garaad waxaa kaloo qormadiisa ku xusay “Xeerarka Saxaafadda ee aan muddo dheer ku soo shaqeeyay, in bandanna aan tababbar uga bixiyay London iyo caasimado badan oo Afrika ahi waxay qabaan in haddii uu dhaco kufsi oo ah faldembiyeed aad u culus aan la sheegin magaca [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles