Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Shaqada”haka waantoobaan Shaqsiyaadka Beenta u sheegaya Bulshada”

$
0
0

WhatsAppShare

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa uga digay  inay ka feejignaadaan Dadka Soomaaliyeed  Shaqsiyaadka Been Abuurka lacagaha uga qaadanaya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudey ayaa sheegay in Tallaabo laga qaadi doono shaqsiyaadkaas dadka u sheegaya in ay hayaan fiisooyin ay ku Aadayaan waddamo Dowladda Soomaaliya u ballan qaaday in shaqo ay siindoonaan dadka Soomaaliyeed.

“Dadkiyoo dhibaateysan in haddane la dhoho waxaan idinku daraynaa liiska dad Shaqaale ahaan loogu qaadi doono Waddamada Sacuudiga iyo Qadar, waxaan leeyahay ka waantooba,Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay dadkaas idinma qaadi karanee yey idin hami galin, cid aanay la socon Wasaaradda ma aadi doonto Waddamadaas” Ayuu yiri Wasiir Muudey.

Tan iyo markii ay soo ifbaxday in ay  jiri doonaan dad Soomaaliyeed oo Shaqaale Ahaan loogu qaadi Doono Waddamada Qadar iyo Sacuudiga ayaa waxaa  soo baxay Shaqsiyaad ka been abuuranaya Wasaaradda Shaqada una sheegaya dadka in ay hayaan fiisooyinkii lagu bixilahaa sidasna dadka lagac uga qaadanaya.

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles