Wararka iminka kusoo dhacay warqabadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegayo in uu saakay Qarax ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxan ayaa ka dhacay bar ay fariistaan ciidanka dowlada waxa uuna ahaa miino meesha lagu sii aasay sida uu inoo xaqiijiyey Taliyaha Booliiska ee degmada Afgooye. Qarxan ayaa dhaliyey dhimashada 3 ruux oo uu mid ka mid yahay askari ka tirsan Ciidanka Dowlada Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4 ruux oo kale oo la sheegay in uu ku jiray hal askari. Xaalada Degmada Afgooya ayaa ah mid dagan waxaana ka socdo Howlgalo ay wadaan ciidanka amaanka oo lagu xaqiijinaayo adkeynta amaanka Degmada Afgooye.
↧