Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble,Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre iyo labadiisa ku xigeen, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, iyo Guud ahaan Shacbiga Hirshabeelle,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyaha qeybta Boliiska Gobolka Shabeelaha Dhexe Gaashaanle dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye oo Caawa ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha Nabad diidka ay ku weerareen . Madaxweynaha Dawladda Hirshabeelle Mudane Cosoble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabeelle iyo ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Shabeelaha dhexe Marxuum Khaliif Carfaaye oo kooxda Nabad diidka ay ku tureen Bam gacmeed Xarunta Taliska Qeybta ee Magaalada Jowhar, isagoo u rajeeyay intii wax ku noqotay in ilaah caafimaad deg deg ah uu siiyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda iyo shacabka Hirshabeelle islamarkaana u hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan laamaha amniga ee Hirshabeelle ay gacan bir ah kusoo qaban doonaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo gaystay alle ha [...]
↧