Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso wefti balaadhan oo ka Socday Dalka Cumaan. Weftigan oo ka soo kicitimay Dalkaasi Cumaan ayaa isugu jirey masuuliyiin ka socdey rugta gacansiga Dalka Cumaan, wasaarad Ganacsiga Dalkaasi Cumaan, maamulka sare ee diyaarada Salaala Airline iyo saraakiil ka socdey Madaxtooyada Cumaan. Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay wefdiga ayaa u jeedkiisu ahaa horumarinta ganacisga, iyo sidoo kale maalgashi ay doonayaan Dawladda Cumaan iyo ganacsatada wadankaasi inay maalgashtaan Puntland. Masuuliyiintii ka socotay shirkada diyaaradaha ee Salaala Airline ayaa dhankooda sheegay in ay ka bilaabi doonaan duulimaadyo ay uga kala dhex gooshi doonaan wadankaasi Cumaan iyo Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uga mahad naqay booqashada weftigani ay ku yimaadeen Puntland ayaa dhinaca kalena ku bogaadiyey dedaalka ay doonayaan inay ku maalgashadaan Puntland, waxaana madaxweynuhu uu shegay in ka Dawladd ahaan ay ufududayn doonaan wax kasta oo hirgelinaya xidhiidhka wadashaqayneed iyo kan ganacsi ee labada Wadan. Dhinaca kale, musuuliyiinta ka socodey Dalka Cumaan ayaa dhankooda madaxweynaha Dawladda Puntland uga mahad naqay soo dhoweynta wanaagsan ee uu ku qaabilay iyo sida niyadsamida leh ee uu ku taageeray feker kooda [...]
↧