Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Baarlmaanka Ee Maanta La Doortay

$
0
0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka. “Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed  Waxay tani qeyb ka tahay horumarada dalka uu ku tilaabsanayo loona baahanyahay in la sii xoojiyo, Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Xilka culus ee laguu doortay allaha kaa dhigo kii ka soo baxa horumar gaarsiiya dalka” Ayuu Yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle  Cali Cabdulaahi Cosoble Oo Sii Hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Bulshada reer Hirshabeelle horumarada laga gaaray geedi socodka siyaasadda Soomaaliya, waxayna umadda soomaaliyeed ay la qeyb sanayaan horumaradaasi ayna ku boorinayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalkani loo gaarsiin lahaa Xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. “tani waa Guulaha taariikhiga ah ee uu dalku galayo  waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isu dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.    

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles