Warbxin ay soo saartay hay’adda Caalamiga ah ee kormeerka iyo ilaalinta Badaha Sanadkii 2016 kii ayaa sheegtay in afduubkii Markiibta uu Sanadkaasi ahaa mid uu hos u dhacay gaarayna 191 dhacdo, halka sadandkii ka horeeyay 2015 kii uu ahaa 246 fal afduub Marakiib ah. Hoos u dhaca ka yimid afduubka Maraakiibta marta biyaha caalamiga ee Badaha aduunka ee Sanadkii tagay ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu hoosayay muddo haatan laga joogo 18 Sano,waxaana la sheegay in Sanadkii tahay afduubka Maraakiibta madax furashada laga qaatay ay ugu badnaayeen Xeebaha Galbeedka Afrika iyo Badaha u dhaw dalka Filibiin Warbxintu waxay intaa raacisay in Sanadkii 2016 kii Burcad Badeedu afduubatay Todobo Markab ayna madax furasho u qabsaden 151 qof oo bad Mareen ah, halka sanadkii 2015 kiina ay afduubteen 15 markab ayna madax furasho ahaan u qabsadeen 271 qof oo saarnaa Maraakibtaasi. hay’adda Caalamiga ah ee kormeerka iyo ilaalinta Badaha adduunka ayaa warbxintan ay soo saartay maaanta oo Talaado ah ku sheegtay in Sadakii 2015 kii uu ahaa sanad afduubka Maraakiibta ay Saddex jibaarntay marka loo eego sanadkii ka dambeeyay, waxayna intaa raacisay In bar ka mid ah Maraakibtaasi laga afduubtay Xeebaha Galbeedeka Afrika. Sidoo kale Biyaha Wadamada Maleysiya iyo Indoonisiya ayaa [...]
↧