Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

DowladdaTurkiga oo mar kale shaqada ka erisay 6 kun shaqaale

$
0
0
Dalka Turkiga oo weli ka sococodo xukunkii  Deg degga oo dalkaasi la geliyay isku daygii Inqalaabkii dhicisoobay kadib, ayaa la sheegayaa inay Xukuumadda dalkaasi ay mar kale shaqada ka erisay 6 kun shaqaale kale  isuguna  jira Saraakiil Boolis, kuwa Garsoorka, caafimaadka  iyo qeybo kale. Warku wuxuu intaa  ku daray in shaqaqalahaasi la eryay lagu eeday inay  wax ka ogaayeen Inqaalaabkii  fashilmay oo la doonayay in xukunka looga rido Dowladda hadda ka arrimisa daalkaasi Turkiga una hogaaminayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Dadka Iminka shaqalaga laga eryay ayaa la sheegay inay ka mid yihiin safiiradiii hore Turkiga u  kala fadhiya hay’adda UNESCO  iyo dalka Canada  kuwaasoo  lagu eedayay inuu gacan saar la leeyihiin Wadaadka baxsadka ee Fethullah Gülen oo iminka ku sugan dalka Mareykanka. Tan iyo markii dalka Turkiga uu ku fashilmay afgenbigii la doonayay in xukunka loogu rido maamulka hadda ka arrimiya dalkaasi ayaa waxaa shaqada Dowlada la joojiyay ama laga eryay 120 kun oo qof  oo qeybo kala duwan ah.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles