Nana Akufo-Addo, ayaa loo dhaariyay xilka cusub oo ah madaxweynaha dalka Ghana kadib markii uu bishii la soo dhaafay uu ka guuleystay madaxweynaha talada hayay John Mahama. Ku dhowaad 11 hogaamiye oo qaaradda Afrika ka socday iyo in ka badan 6,000 oo ruux ayaa ka qeybgalaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub taas oo ka dhacaysa caasimadda dalkaas ee , Accra, xilli amniga si weyn loo adkeeyay. Mr Akufo-Addo, oo da’diisa tahay 72 sano jir ayaa ahaa qareen xuquuqda aadanaha u ololeeya, waxaana uu balan qaaday xilligii ololaha doorashada waxbarasho lacag la’aan ah dugsiyada sare iyo in uu hirgelin doono warshado badan si shaqo badan loo helo. Hase yeeshee, dadka qaar ayaa waxaa ay su’aal gelinayaa sida uu ugu dhabeyn karo balan qaadiisa. Madaxweynaha xilka ka degeya ayaa sidoo kale, ka qeybgali doona xafladda oo ka dhici doonta fagaare ku yaala magaalada caasimadda ah, waddooyinka waa weyn ee soo gala goobta ayaa gebi ahaamba la xirey. Mr Akufo-Addo, oo ka tirsan xisbiga cusub ee Wadaniyadda ( New Patriotic Party) ayaa labo mar horey ugu tartamay xilka madaxweynaha, iyadoo la aaminsan yahay in waxyaabaha sida weyn u caawiyay ay tahay dhibaatada dhaqaale ee wadanka heystay iyo balan qaadiisa oo ah in uu [...]
↧