Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maraykanka oo liiska argagaxisada ku daray wiil uu dhalay Usama Bin Laden

$
0
0
Maraykanka ayaa sheegay in uu liiska argagixisada ku daray  Hamza bin Laden oo ah wiil uu dhalay Osama bin Laden horjoogihii Al-qaacida  oo hore Mareykanku ugu dilay dalka Pakistan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanaka ayaa sheegtay in “Hamza bin Laden uu qayb ka yahay argagixisada.” Tallaabadan waxay ka hor istaagi doontaa inuu ganacsi la sameeyo shirkadaha Maraykanka ama uu guri ku yeesho Maraykanka. Ayman al-Zawahiri, oo ah dhakhtar indhaha oo aas-aasay kooxda Egyptian Islamic Jihad ayaa la wareegay hogaanka Alqacida tan iyo markii la dilay Usama Bin Laden. 2015-tii, al-Qaeda ayaa soo daysay cod uu duubay Hamza, oo ku baaqaya in taageerayaasha Kabul, Baghdad iyo Qaza ay weerar ku qaadaan, Washington, London, Paris iyo Tel Aviv.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles