Doorashada Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa sanadkiina la qabto halmar ayaa ka dhacday magaalada Johannesburg gaar ahaan xaafada Soomaalida dagan tahay ee mayfair waxaana ka soo qeybgalay qeybaha arday Soomaali ah oo ka kala yimid gobolada dalka Koofur Africa. Gudoomiye ku xigeenka Ururka ardayda Axmed Yuusuf Cadnaan oo furitaanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka Ururka sanadkii 2016-ka ee xilka ay soo hayeen,waxaa uu xusay in howlaha badan ay u qabsoomeen kana qeyb qaateen barnaamijyo badan oo wacyi galin ah kuwaa oo loo sameeynayay bulshada Soomaaliyeed. Xoghayaha Ururka Cabdirisaaq Killas ayaa asna goobta ka hadlay waxaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay la kulmeen hay’ado badan oo deeq bixiyaal ah isla markaana ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dhalinyarada dooneysa in ay wax barato,waxaa uu xusay in ay jiraan dhibaatooyin ay ardayda kala kulmaan in deeqaha loogu talagalay ardayda masaakiinta ah iyo kuwa agoomaha ah laga leexsado dad kale oo baahidaas aan qabina ay isticmaalaan taana loo baahan yahay in bulshada meel ay uga soo wada jeesato. Sheikh Axmed Cabdi ka mid ah madaxda Hey’ada Culimada Al bayaan ee dalka Koofur Africa ayaa asna goobta ka hadlay waxaana ay sheegeen in ay la [...]
↧