Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida oo ka qeyb-galay Salaadda Jannaasada meydka taliye ku xigeenkii Ilaalada madaxtootayada Soomaaliya (SAWIRRO)

Allaha u naxariistee G/sare Cabdi Cabdulle Qoor-gaab, oo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Soomaaliya oo shalay askari ka  tirsan ciidanka Villa Soomaaliya uu ku dilay xafiiskiisa, ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho. Salaadda Jannaasada, ayaa lagula Dukadey Masjidka madaxtooyada, waxaana ka qeyb-galay taliyaha ciidammada Boliiska Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Cali Baashi, taliyaha ciidammada Cirka Soomaaliya, S/guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beyloot), saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga iyo masuuliyiin ka socotay madaxtooyada Soomaaliya. Allaha u naxariistee G/sare Cabdi Cabdulle Qoor-gaab, waxaa uu ahaa nin aad  ugu fir-fircoon shaqada ciidanka, dulqaad badan, isla markaana aad u daneeya in si adag loo guto waajibaadka saaran ciidanka uu masuulka u ahaa, sida laga xigtay masuuliyiinta madaxtooyada, maanta ayaana lagu aasay magaalada Muqdisho, Innaa Lillaahi wa innaa Illeyhi Raajucuun.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles